Buugaagta nafla-hadalka waa buugaag muhiim u ah ruuxdeena, shaqsiyan aadbaan uga helaa buugaagta ruuxda la hadla e dajiya xaalad kacsan markaan ku jiro, isiiya rajo aan ku gaari karo halka aan usocdo iguna soo celiya deganaanta iyo xasiloonida nafta.
buugaagta noocaan oo kale ah waxay isugu jiraan Allah udhawaansho, dhiiragelin,rajo-siin, xasilooni, fariimo, talo-siin iyo inaad naftaadda unuglaato markey kuugu baahi badan tahay.
waxan ufiirsaday ineysan badneyn buugtan iyagoo soomaali asal ah badanaa waxan arkaa in laga soo turjumay luuqadaha qalaad saasay tahay turjumidooda ayaa aad kuu saameyneysa kawaran iyagoo soomaali ah.
Waxan kugula wadaagayaa qoraalkan 3 buug oo aan u arko iney ruuxda la hadlaan waxaana ugu horeeya:
1. Dhambaaladda Qur’aanka
Buugan waxa qoray Ad’ham Sharqaawi waxa turjumay Cabdulxakiim Muxammed Obsiiye, waa buug qiima badan oo ka kooban aayado turjuman, wuu ka duwanyahay buugaagta tafsiirka ah, aayad walba marka uu fasiro qoraaga waxa la socda qoraal isugu jira fariimo, dhiiragelin iyo sheekooyinka asxaabta iyo Nabiga (SCW).
Aad ayaan uga faaiday aqrintiisa qof walba oon jeclahayna waan kula talin lahaa inuu aqristo.
2. Nafteydaay Gacalo
Buugan waxa qoray Cula Dayuub noociisa English ka waxa la dhahaa “Dear me” waxa soomaali ka dhigay Maxamed Qaamuus oo buugaag badan turjumay wuxu ubixiyey “Nafteydaay Gacalo”, Waa buug qiima badan oo Nafla-hadal ah in badan waxa uu diirada saarayaa Naftaadda sida aad ula hadasho iyo saameynta ay kuleedahay Noloshaadda.
Markii ugu horeysay aan buugan aqriyey waxan ku dhameeyey hal fadhi waana ku celceliyey anigoo aad uga helay, waxan ka sameeyey isagoo cod ah waxad ka heli kartaa Tiktok-ga – Sagalicios.
waan u diri lahaa qofwalba oo jeclahay si uu aqristo buugan.
3. Waan ku salaamay saaxiib
Buug Kale oo qiima badan waxa qoray Ad’ham Sharqaawi waxa turjumay Aadan-sahan oo caan ku ah turjumidda buugaag aan aad uga helo, buugan waa buug la hadlaya ruuxda sida aad ka aragto cinwaanka wuxu ka kooban yahay 119 cutub mid walbana wuxu ku bilowdaa “waan ku salaamay Saaxiib” waxad ka dheehaneysaa meeshaas wanaag mooyee wax kale kama soo socdaan.
buuga waxa ku qoran qisooyin badan, talo, Fariimo iyo nafla hadal cajiib ah, haddii aad wajaheyso xaalad adag waan kugula talin lahaa inaad aqrisato.
Buugaag fara badan oo waxa jira la hadla ruuxda kuwaa oo halkan lagu soo koobi karin, igula wadaag qeybta faaladda buugga aad ugu jeceshahay buugaagta noocaan oo kala ah.
Mahadsanid