Sagal Ali

2024 wuxu iiyahay sanad cajiib ah weli ma idlaan laakiin markaa dib ufiiriyo waa sanad ay waxbadan iihirgeleen, waxna aan ku lumiyey.
waa dabiiciga nolosha wax idhaafsi, haddi aad wax hesho waxbaad weyneysaa, haddii aad wax bixiso waxbaa heleysaa noloshana wey sii soconeysaa.


markaan dib umilicsado sanadkan waxan bartay cashir aad muhiim iigu ah shaqsiyan isla markaana aan rabo inaanan ilaawin cashirkaasoo ah:
“Ha isku dayin inaad badasho xaaladaha iyo dadkaba, ku aqbal sidooda horeyna uga sii soco”.


mararka qaar wax micno ah masoo kordhineyso inaad sugto sharaxaad, filato xaaladu iney si kale noqon laheyd ama sugto inta wax iska badalayaan.
dadka wey ogyihiin waxa ay kugu sameynayaan, mana loo baahna inaa badasho fikirkooda, sida ay kuu arkaan iyo waxa ay ka wadeen ficilkooda, xaaladahana intaa dib ulaabato ma badali kartid o ma dooran kartid iney si kale wax udhacaan doorashadda keliya e aad heysto waa inaad horey uga socotid ka qaadatid cashir si aadan mar kale ugu laaban.


waan ku faanaya nafteyda iyo sida ay hadda uxaliso xaaladaha soo wajaha waxan dareemaya inaan korayo dareen ahaan iyo maskax ahaanba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *