Sagal Ali

Jaceylku waa marka hooyo soo kacdo xili hore si ay kuugu sameyso quraac oo aadan baahi ugu bixin.

Jaceylku waa marka aad banaanka kusoo daahdo walaalahaana kusoo wacaan si ay uhubiyaan inaad nabad qabto.

Jaceylku waa marka saaxiibaddaa aysan kugu xukminin khaladaadka aad sameyso kuna garab taagan yihiin murugo iyo farxadba.

Jaceylku waa markaad qof waqti isla qaadataan isla markaana hubiyo inaad nabad tagtay.

Jaceylku waa marka aad suuqa aado isla markaanna naftaadda usoo iibiso waxyaabo aad in mudo ah rabtay.

Jaceylku waa xiriirka ka dhexeeya adoonka iyo rabbigiisa.

Mid kamid ah Khalad ka ugu xun aan bulsho ahaan u galno waa inaan jaceylka ka filano hal qof ama hal sabab ama hal meel oo keliya inuu ka yimaado markii aan ka weyneyna aan ufahamno inuusan jaceyl jirin.

Jaceyl wuu jiraa,wuu nagu hareereysan yahay kaliya waxan ubaahanahay inaan aragno, haddii aad dibadda ka arki weysidna ka raadi gudahaaga.

Mararka qaar jaceylka aad raadineysid waa adiga.

One Response

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *