Waxaa la dhahaa adduunku wuxu gaaray waqti aan hal saac aan ku heli karno macluumaad ka badan inta ay ku heli jreen awoowayaasheen hal bil ama ka badan.
Aad ayey ufududahay sidii aan ku heli laheyn macluumaad fara badan daqiiqado gudahood hanoqoto kuwa faaido inoo leh ama kuwa aan dan noogu jirin. intaas oo dhan waxay isugu tagaan maxkaxdeena waana meesha ay kasoo galeyso inaad sameysato maskax kale ama meel aad ku keydin karto fikradahaaga.
Haddi aad jeceshahay aqriska iyo haddii kale ba maalintii waxa laga yaabaa saacado inaad ku bixiso aqrinta qoraaladda kala duwan e facebook ama daawashadda qeybaha kala duwan e baraha bulshadda.
Laga yaabee qaar ka mid ah ineysan muhiim kuu aheyn laakiin qeybo badan oo kamid ah waxay maskaxdeena ku dhaliyaan fikrado muhiim u ah oo nolosheena oo wax badan kabadali kara.
Muuqaal ama qoraal aad akhrisay saacado ka hor ayaa kugu soo laaban kara oo ka heli kartaa fikrada buuga xiga ee aad akhrin laheyd ama qaab ku anfici kara oo aad noloshadda ku badali karto balse haddii aadan laheyn hab kale oo aad xogtaas ku keydsan karto maskaxdaadu wey kasii soconeysaa oo uma arkeyso muhiim.
Haddii aad tahay qof ka shaqeeya ama jecel soo saaridda xogaha kala duwan ama arday waa waajib inaad leedahay meel aad ku qorto fikradahaaga, sidoo kale dadka ilowga badan wuu ka caawin karaa xusuusta iyo dajinta qorsheyaashooda Tusaale markii aad meel aadeyso ama la kulmeyso qof muhiim kuu ah.
Inaad leedahay qaab aad uqorto waxyaabaha kugu soo dhaca waxay kaloo caawin kartaa qorsheynta marka doonaneyso adeeg, meeqa mar ayey kugu dhacday inaad ubaxdo inaad soo iibsato 2 ama 3 sheey balse markii aad tagtay suuqa ay kaa kala baaheen wixi aad rabtay kadibna ku qasbanaatay waxyaabaha kale oo badan inaad iibsato adigo ugu dambeyn ka tagayaa wixi aad ubaahnneyd iyo dantii aad suuqa u timid, koley aniga wey igu dhacday in badan.
Hadaba qaabkee u sameysan kartaa maskax kale ama u keydin kartaa fikradahaaga?
Habka kuugu fudud kuuguna dhow waa taleefankaaga, oo marwalba kuu dhow, inta badan taleefanaddeena waxay leeyihiin app loo yiraahdo notes kaas oo ah meel si fudud wax loogu qori karo isla markaana kuu keydin kara fikradda kugu soo dhaca maalintii xili walba.
Haddii aad tahay qof jecel inuu si caadi uqoro fikradihiisa isla markaanna marwalba uu kuu dhowyahay Buug note iyo qalin waad sameyn kartaa.
Waxaad ku qori kartaa app kasta oo leh hab qoraaleed fudud muhiimadu waa iney kaa lumin ama kaa kala baahin xogtaadda, balse markii aan ku dhahayo qor fikradahaaga taas macneheedu ma aha wax walba oo aad ku fikirto qor laakiin waa kala saar oo diiwaangeli inta aad u aragto iney macno leeyihiin dibna ugu soo laabato si aad u hormariso una hirgeliso.
Akhriste adigu habkee uqortaa ama ukeydisaa fikradahaaga?
Haddii aad halkan soo gaartay una aragto inuu faaido leeyahay qoraalkan la wadaag saaxiibadda qeybta faaladana igula wadaag fikradaadda.
Mahadsanid.
Mahad sanid
Asc apayo sagal haa muhim wye notes ka sawpto ah marka saxadda wax barasho lajogo very important wye
Tnks fikirkaga kugu racsanhy qalia
Guleyso in badan salama👋✨️🤍
Aniga ahn note ama buug hada wx ku qoro wan ilowe oo dib uguma soo labto tas aya ah dhibatadeda😒
ɪɴᴀɴ sᴀᴍᴇʏsᴛᴏ ᴊᴇᴄʟᴀʜᴀʏ ʟᴋɴ ᴡᴀɴ ᴋᴀ ᴄᴀᴊɪsᴀ ᴍᴀʀ ᴡᴀʟʙᴀ
Wlhi saaid u jeclhy inaa bugaagta aqristo iyo inaan qoro hadana habki aan u qori laha iyo u aqrin laha baa IGA dhumay badana waxa muhiimka ii eh notes oo mobilka ku qorta 🥰
Hamdush Ahmed
Good 👍 idea 💡